Somaliland: Golaha Wakiillada oo Kalsoonida Kala Noqonaya Wasiir Xukuumadda ka tirsan

Hargeysa(aftahannews):- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sheegay inay Kalsoonida kala noqon doonaan Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ay ku eedeeyeen inuu si badheedh ah u diiday inuu Golaha ku horyimaaddo illaa 4 Warqadood oo goluhu ugu yeedhay.

Guddiga dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee golahaas oo shalay eedaymo u jeediyey Wasiirka Qorshaynta Cumar Bade, ayaa Golaha u soo gudbiyey codsi ah in kalsoonida lagala noqdo Wasiirkaas oo Qodobbo Dastuuri ah inuu jeediyey ay ku eedeeyeen.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirasaaq Siciid Ayaanle, ayaa Codsiga Guddiga u akhriyey Mudanayaasha Golahaas Fadhigii Axadda Maanta.

Waxaannu Nuxurka Khudbadda Codsiga ee Golaha loo akhriyey, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-