Madaxweynaha Itoobiya iyo Masuul Qaramada Midoobay ka Socda oo Jigjiga yimi iyo Ujeeddadooda

Jigjiga (aftahannews):- Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde iyo Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Mohamed, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida oo xaalad Abaareed oo Dad u dhintay ka taagan tahay.

Xukuumadda Deegaanka, ayaa warbixin ka siisay xaaladda abaarta Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta sare ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiin heer Deegaan ah ayaa uga xog warramay abaarta ba’an ee ka jirta Deegaanka, Madaxweynaha Dalka marwo Sahle-Work Zewde, marwo Aamina J. Mohammed, oo ah ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Guddoomiyaha Kooxda Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin la socday oo ay hoggaaminayaan.

Madaxweyne Cagjar, ayaa xusay in deddaallo ku wajahan dhinaca gurmadka Abaaraha la sameeyay. Haseyeeshee, weli loo baayan yahay deddaal intaasi kasii badan, si loo samata bixiyo nolosha bulshada la ildaran xaaladda abaaraha.

“Sannadihii ugu danbeeyay waxaa Deegaanka dib ugu soo noqday bulsho aad u tiro badan, waxaa si xawli ah u korey ganacsiga xorta ah iyo kaabayaasha horumarineed ee bulshada, waxaasi oo dhana waxa ay ku yimaadeen ka go’naanshiyo dhab ah oo laga sameeyay xil gurmashada waajibaadka shacabka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweynaha Dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Madaxwayne Mustafe iyo Xukuumaddiisa uga mahad-naqday in Deegaankii caqabadda ugu badan ee Dalku ay ka jireen ay u badaleen Deegaan horumarineed waxa ayna xustay in abaarta hadda soo food saartay bulshada lagaga gudbi karo qorshayaal dhaw iyo kuwo fog oo dhawaan lagaga gaashaaman karo abaaraha soo noq-noqda. “Ka dawlad dhexe ahaan sida ugu habboon ayaannu uga qayb-qaadan doonnaa gurmadka abaaraha.” ayay tidhi Madaxweynaha Itoobiya.

Geesteeda Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina J. Mohammed, ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay Abaarta ku haabsatay shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana waxay ballanqaadday in gargaar lagu badbaadinayo nolosha Dadka ay gaadhsiin doonaan.

Abaaraha ku dhuftay Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida, ayaa sababay ugu yaraan 8 Qof inay gaajo iyi harraad ugu dhinteen deegaanno hoostaga gobollada Erer iyo Afdheer inta la ogyahay, halka ay Boqollaal kun ka Barokaceen dhulkay degganaayeen markii Abaartu dhammaysay xoolohoodii.

Dhawr toddobaad uun ka hor bay ahayd markii Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed iyo Wafti uu hoggaaminayey yimaaddeen dowlad-deegaanka Soomaalida, isla markaana uu booqday goobo ay dageen Dadka Abaaraha ku soo barakacay, isla markaana uu sheegay inay Xukuumadda Federaalka Itoobiya doorkeeda waxtar u fidinayso Dadka Abaaruhu ku saameeyeen Deegaanka, balse weli waxa jirta inay Dadku ka cabanayaan gurmad yaraan.