Golaha Danta Soomaalida oo War ka Soo Saaray Shirka Wadahadalka Qaran ee Itoobiya

Jigjiga (aftahannews):- Golaha Danta Soomaalida ayaa kasoo horjeedsaday wada-hadallada qaran ee la filayo inay ka qabsoomaan waddanka Itoobiya, kaas oo uu ku tilmaameen in ay muuqato inuu guul-darraysanayo oo aanu waxba soo kordhinayn.

War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha Danta Soomaalida ayaa waxalagu sheegay, in marka la eego geeddi-socodka iyo dariiqa la raacayo, in ay yihiin in la raacayo go’aamo ka imanaya xukuumadda Abiy Ahmed.

Goluhu waxa uu intaa ku daray, in wada-hadalka qaranku uu yahay hab aan laga fursan karayn si loosoo afjaro dagaallada dhimashada sababay dhimashada iyo burburka. Haseyeeshee, ay hadda shaki ka qabaan sida loo qorsheeyey wada-hadalka iyo cidda qabanaysa, kuwaas oo mugdi gelinaya midhaha kasoo bixi karaya.

“Wada-hadallada qaranku waxay guuleysan karayaan haddii ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, madaxda dawladduna waxay ku dhawaaqday in aan la casuumayn kooxaha hubaysan. Haddii aanay kooxaha mucaaradka ee hubaysan ka qayb-gelaynin waxa hubaal ah in aanu wada-hadalka qaranku guuleysan doonin.” sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Golaha Danta Soomaalida, ayaa intaa ku daray, in dawladda looga baahan yahay in ay liiska argagixisada ka saarto jabhadda OLA iyo TPLF si ay uga qayb-geli karaan wada-hadallada.

Golaha Danta soomaalidu waxa kale oo uu dawladda federaalka usoo jeediyey, in wada-hadal nabadeed lagu dhameeyo dagaallada sokeeye ee ka socda deegaanada Oromia, Tigray, Benishangul Gumuz, Canfarta iyo Axmaarada.

Waxa kale oo uu Goluhu soo jeediyey in xal waara laga gaadho isku-dhacyada deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee ay sababeen dhulka Soomaalida ee la raaciyey dhinaca Canfarta.