Madaxweynaha Hirshabeelle Muxuu Ka yidhi Tabashada Reer Hiiraan?

Baledweyne (aftahannews):- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuuseen oo Maanta si xoog ah lagu geeyay magaalada Baledweyne, isla markaana ka hadlay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameey gudaha magaaladaas, ayaa ka hadlay tabashada maamulkiisa ay ka qabaan shacabka reer Hiiraan oo muddo hal sano ah u diiddanaa inuu tago Baledweyne.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xalinta tabashada laga qabo dhismaha maamulkiisa, isagoona balan qaaday inuu soo afjari doono wax walba oo tabasho ah oo laga qabo maamulkiisa mid deegaan, mid Qabiil iyo qoys intana waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan Alle hortiisa ka balan qaadayaa in aan si Cadaalad u hoggaamiyo dadka reer Hirshabeelle,  Baledweyne doorasho ayaa ka dhaceysa, kumanaan qofna waa imaanayaan, waxaa dadka Magaalada laga rabaa soo dhaweyn, martigelin iyo amni sugid, waxaana balan qaadayaa in doorasho daah furan oo Cadaalad ay ka dhici doonto Baledweyne iyo Jowhar” ayuu yidhi Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe, ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyadda ay meerto tahay marba qof uu qabanayo, islamarkaana ay muhiim tahay in fursad lasiiyo ruuxa masuuliyada haayo, waxuuna sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta lagu soo dhaweeyo Baledweyne, isagoona u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay inuu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.