Maxaa loo Hilmaamay Dad Daryeel u Baahan?

Dib ula soo noqoshadii madax-banaanidda Jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan gobollada iyo guud ahaan dalkuba, waxa uu ku socdaa horumar xawli ah oo dhinac walba ah. Daaraha dhaadheer, Wadooyinka, Goobaha Ganacsiga ee casri ah, Jaamacadaha iyo iskuuladda aadka u sii kordhaya, Masaajidada aadka u quruxda badan, xarumaha dowlada ee loo binneeyey sida quman iyo dhamaan goobaha Caafimaadka.

Arimahan oo dhammi waxay ku tusayaan in dalku ku tallaabsaday horumar weyn mudadii uu jiray, taas oo ah wax lagu farxo oo idadiilo leh, una baahan in la sii wado si aynnu ula tartano qeyrkeen.

Hase-yeeshee, Waxaa jira dad inala nool oo dhaamaan horumaradan oo dhan ka qaday, balse ay ku noqdeen cagsigeeda taas ah caqabado maalin walba ku sii badanaya.

 Guud ahaan dalka waxaa ku nool dad naafo ah oo aan laxaadkoodu u dhameys-tirneyn walow dadka naafadda ahi ay dhowr nooc kala yihiin maanta waxaan diiradda saari doonaa dadka aan jidh-ahaan u dhameys-tirneyn gaar ahaan xagga cududa lugaha, kuwaas oo u baahan daryeel gooni ah iyo in ay la socdaan horumarada kala duwan ee socda. Markaad aad u fiiriso ee aad indho-indheyso waxaad ogaaneysaa in aan dadkan aan soo sheegay aan laguba darin xisaabta, Tusaale dhaaman gobahan aan soo sheegnay malaha ama looma qaabayn hab dadka naafada ah ay ula socon karaan horumaradan aan kor ku soo xusnay.

Sida aynnu ka dheragsanahay dadka laxaadka la’i aad ayey ugu badan-yihiin dalka iyadoo ay keeneen arrimo door ahi.

Dad ku naafoobay dagaaladdii dib ula soo noqoshadii Somaliland, kuwii sokeeye, shilalka baabuurta, xannuunada iyo qaar dabiiciyan ayey isugu jiraan dadkanni waan dad maalin walba lagu biiro maadaama dalkeena oo aad ugu badan yihiin shilalka baabuurtu.

Caqabadahan kaga yimaada isbedelka dhismayaasha lagu qotomiyey kaabadaha dhaadheer ee xitaa ku adag dadka waaweyn waxa ay mar labaad niyad-jab ku tahay dadka aan laxaadkoodu u dhameys-tirneyn ee lugaha la, oo tahli waayey in ay baahiyahooda ka soo fushadaan meelahan aan soo sheegney.

Shakhsiyan ma arag annigu hal-dhisme oo leh   meel dadka naafadaha ahi ay ka gali karaan ama u fududeyn kara gelida goobahan aan soo sheegey, taas oo ah nasiib daro weyn xanuunkana ku sii siyaadin karta dadkan.

Ugu dambeyn waxaan soo jeedin lahaa in arrimahan wax laga qabto dawlad iyo shiciba oo wax laga bedelo habka qalafsan ee dadkanni waajahaan laguna dhiirado in wixii hadda ka dembeeya lagu daro dhismayaasha meelo u gaara dadka naafada ah oo ay ka galaan goobahan sida dunida oo kale ay sameeyaan.