Xasan Sheekh oo sheegay inuu aqbalayo Baaqa Xildhibaannada haddii eedohooda caddaymo loo helo

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto, isla markaana la doodo Xildhibaannada Baarlamaanka ee dhawaan ugu baaqay inuu is-casilo, ka dibna haddii la helo qaladaad cad oo uu galay uu diyaar u yahay inuu aqbalo baaqooda.

Xasan-Sheekh

Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto inuu ka gar-boxo Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka tirsan ee u soo jeediyey inuu xilka iska casilo, Xildhibaannadaas oo tiradoodu gaadhayso 133 Mudane, kuna eedeeyey Madaxweyne Xasan inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka, xasilinta nabadgelyada iyo hirgelinta ballan-qaadyo uu sameeyey-ba.

Xildhibaannada ayuu u sheegay Madaxweynuhu inuu doonayo sidii ay isula eegi lahaayeen halka ay wax ka qaldan yihiin, waxaanu intaa ku daray oo sheegay haddii ay wax ku caddaadaan inuu aqbalayo baaqooda ah inuu Kursiga Madaxweynennimo ee Soomaaliya iska casilo.

“Walaalaha Xildhibaannada ah ee Baarlamaanka sharafta leh ka tirsan, Warqadda qoraalka ah ee aniga dhawaan ay ii soo gudbiyeen, waxaan diyaar u ahay waxa ay qabaan ee warqaddaas ku qoran in aan kala fadhiisto oo kala doodo, waxa khaldan in aan wada fiirinno hadday aniga igu baaqatayna aan aqbalo oo halkay wax nagaga maqan yihiin ka wada baadi-doonno.” ayuu yidhi Madaxweyne Xassan Sheekh oo khudbad ka jeediyey mid ka mid ah Munaasibado badan oo lagu xusayey 71-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo 15-kii May habeennimadkeedii habeen-hore lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale, waxa uu ka hadlay is qabqabsiga Masuuliyiinta dawlada oo uu ku sheegay inuu dib-u-dhac ku keenayo hormarka dalka lala damacsanyahay, waxaana uu inta raaciyey inaanay xilligaan ku wanagsaneyn dalka in lala yimaaddo arrimo dhalin kara is qab-qabsi jiitama.

“Waxaan idiin sheegaya dimuqraadiyadda, xorriyadda hadalka iyo fikirka kala duwan waan soo dhawaynaynaa waana u dulqaadanaynaa, ciddii su’aal noo qabtaa Madaxda dalka anigaa ugu weyn oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah iyo labada Oday ee Saaxiibbaday ah meel walba ayey wax nagu weydiin karaan, annagana waxaan diyaar u nahay oo xaq naloogu leeyahay inaan ka gar-baxno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dooday inuu dalka Soomaaliya wakhtigan hore u socdo, isla markaana is-qabsigu dhib ku keeni, balse loo baahan yahay in wii khadlan la isla eego, ka dibna la sila saxo, iyadoon shaqadu istaagin oo aan khilaaf la abuurin. “Is-qab-qabsi lagaha la is-qabsado oo dib la isu celiyo ama shaqada inna sugaysa aan ka hakanno ma awoodno, asbuucyo iyo maalmo inaan hakanno Walaallayaal ma kari karno ee aan hore u soconno, wixii innaga dhimanna aan waddada ku sii saxno.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey Mudanayaasha is-casilaadda ka dalbaday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.