Hoggaamiyihii Daacish oo lagu Dilay Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka

Idlib (Aftahannews)- Hoggaamiyihii kooxda Daacish, ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Weerarka, ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo uun kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.

Sarkaal Mareykan ah, ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay ku soo siqeen ciidamada Mareykanka.

Waxaa sidoo kale loo yaqaanay Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman al-Mawla.

Howlgalka, ayaa yimid xilli ay Daacish isku dayayeen inay dib u soo laba kacleeyaan, iyaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyey gobolka.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, ayaa ku soo degay diyaarado helicopter ah, waxayna weerareen guri ay Daacish ku laheyd Syria, iyaga oo iskudhac socday laba saacadood uu dhex-maray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay is-rasaaseyn xoogan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo ku dhow meel ku dhow xuduudda Turkiga, oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan dad ku soo barakacay dagaalka sokeeye ee Syria.

Kooxaha gurmadka deg degga ah, ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska hor-imaadka, oo ay ku jiraan lix caruur iyo afar haween ah.

Madaxweyne Biden, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka “si uu u ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadeena ugana dhigo dunida meel amni ah.”

“iyada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi – Hoggaamiyihii Daacish,” ayuu Biden ku yidhi bayaan uu soo saaray.

AP