Taliyeyaasha Ciidammada Itoobiya iyo Jabuuti oo Ballanqaaday Wadashaqeyn Dhexmarta Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wefdigii Taliyeyaasha ciidamada ee ka socday dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ee ka qeybgalay munaasibadii Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa si weyn u amaanay horumarka Ciidanka Qaranka Somaliland gaadheen.

Genenal Maxamed Xaaji oo ka socda dawladda deegaanka Soomaalida oo ku hadlayey magaca weftiga Itoobiya, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidankeeda ku bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay ku tallaabsatay, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyey wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa ciidamada dalalka deriska.

General Maxamed ayaa soo dhoweeyey wada shaqeynta dhinaca arrimaha amaanka ee u dhexeeya Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaanu ku baaqay inay sii kordhiyaan, isla markaana muujiyaan walaaltinimada u dhexeysa.

Dawladnimada Somaliland waxa tiir u ah Ciidanka Qaranka, taasoo annaguna wada shaqeyn fiican ka leenahay adkaynta amaanka xuduudaha aan wadaagno.

Wada shaqeyn buuxa ayaan la wadaagi doonaa Ciidanka Qaranka Somaliland, haddaanu nahay DDS iyo guud ahaan Ciidamada Itoobiya oo afkooda aan ku hadlayo.

Wefdiga dalka Jabuuti oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inaanay imika bilaabayn wada shaqeyn dhexmarta Somaliland, balse weligeed soo wadaagi jireen.

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Gaashaanle Sare Cabdilaahi Cabdi oo ku hadlay magaca weftgiga ka socda dalka Jabuuti, ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku sifeeyey ciidan sharafi ka muuqato, isaga oo ku hambalyeeyey munaasibadda xuska sannad-guuradooda.

Col. Cabdilaahi ayaa sheegay in ujeedada socdaalku la xidhiidho sidii ay walaaladood ula dabaaldegi lahaayeen sannadguuradooda, maadama aaanu nahay dad isku tiirsan oo wax badan wadaaga.

“Odhan maayo waanu wadashaqeyn doonaa, annagu weligayo waanu wada shaqeyn jirnay Somaliland, waanan ku khasban nahay wada shaqeynta.

Waxaanu u rajeeyey Ciidanka Qaranka Somaliland inuu horumar gaadho, si ay dalkooda, dadkooda iyo walaladood anfaca inuu ka yeelo, waxaan leenahay walaal jiroo joog.