Madaxweyne Biixi oo Farriin Garnaqsi ah u Diray Ururka Midowga Afrika

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ururka Midowga Afrika ugu baaqay in uu derso waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay inuu Midowga Afrika ay mudan tahay inay tixgeliso shacabka Somaliland, haddii aan wax loo tareyn in la siiyo inuu sida u isagu doortay lagula shaqeeyo oo ah inuu qarannimo madaxbannaan ah doortay.

“Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno walaaladayada ayaa khaldan oo leh aan wada gubannee soo hadha.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ururka Midowga Afrika ugu baaqay inay eegaan qaraarkii 2005tii ee ahayd in ay Somaliland waafaqsan tahay xuduudihii isticmaarka.

“Ururka Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wefdigii uu soo diray 2005-tii ee yidhi arrinta Somaliland way ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego in tii halkii laga qaado oo la soo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudabad ka jeedinayay munaasabada sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay Aasaaska ciidammada qaranka Somaliland.