Soomaaliya Rejo maka qabtaa inay Xubin ka noqoto Midowga Afrika?

Golaha Ammaanka Midowga Afrika
Golaha Ammaanka Midowga Afrika

Muqdisho (Aftahannews)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya  dalka Itoobiya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Soomaaliya loo doorto xubin ka tirsan golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika.

Safiir Ilko-jiir oo la hadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya, isagoo ka qeyb galayay shirka midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in saddexda sano ee soo socota kamid noqoto golaha amniga midowga Afrika.

Doorashada xubnaha golaha ammaanka, ayaa dhacaysa galabta illaa caawa. Safiirku wuxuu sheegay inuu kalsooni ku qabo dadaalada ay Soomaaliya ugu jirto ka mid noqashada guddiga Midowga Afrika ee nabadda iyo ammaanka.