Maxay Kenya Heeganka sare u gashay?

Nairobi (Aftahannews)- Dowladda Keny,a ayaa wali ku jirta heegan sare kadib weeraro ay shababku ku qaadeen oo ay ku dhinteen ugu yaraan Shan iyo toban qof oo shacab ah maalmihii la soo dhaafay.

Arrintan, ayaa timid ka dib markii Mareykanka, UK iyo Faransiiska ay uga digeen muwaadiniintooda weerar ku soo wajahan Kenya, iyagoo sabab uga dhigaya xoggo sirdoon ah oo lagu kalsoon yahay.

Dhammaan weeraradii ugu dambeeyay, ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Al- Shabaab oo wali sii waddo weerarada ay ka geysanayaan dhulka Kenya, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado ciidamada ammaanka.

Dhacdadii ugu dambeysay, ayaa aheyd Arbacadii shalay, waxayna ka dhacday gobolka Waqooyi Bari Kenya gaar ahaan magaalada Wajeer halkaasi oo ay afar qof oo shacab ah ku lee’deen, kadib markii gaari ay saarnaayeen uu haleelay walxaha qarxa

Sidoo kale, Isniintii isla isbuucan, 10 qof oo kale ayaa iyagana naftooda ku waayey ka dib markii gaadhi nooca dadweynaha ah ah uu dul maray qarax miino gudaha Mandheera oo u dhow xadka Soomaaliya.

Ammaanka guud ahaan dalka Kenya, ayaa si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan meelaha loo arko in ay ka dhici karaan weerarada argagaxisada ah sida Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo magaalooyinka xeebaha.

Dhowr safaaradood oo ajaanib ah oo ku yaalla dalkaasi, ayaa soo saaray digniino ku wajahan muwaadiniintooda si ay uga fogaadaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan e, islamarkaana ay aad u feejignaadaan.