Midowga Yurub oo Dalbaday Isbedel ka Dhan ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Midowga Yurub, Josep Borrell Fontelles, ayaa dalbaday in isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM), iyadoo shuruud looga dhigayo sii wadida maalgelinta howlgallada milateri ee ee Soomaaliya.

Ergayga, ayaa waxaa uu sheegay in AMISOM ay tahay in ay xoogga saarto dib u dhiska amni ee Soomaaliya, iyagoo xusay in habkan uu yahay mid lama huraan ah.

Josep Borrell Fontelles, oo ah Ergeyga Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa u sheegay The EastAfrican, in Midowga Yurub uu isku raacay in loo baahan yahay in howlgalka midowga Afria ee AMISOM uu noqdo mid waxtar leh oo Soomaaliya ka dhaliya nabad waarta.

Waxaa socda wadahadalo dib loogu habaynayo howlgalka, waxana Midowga Afrika uu soo jeediyay howlgal wadajir ah oo lala yeesho Qaramada Midoobay.

Warbixinada, ayaa waxay muujinayaan in labada dhinacba ay ku heshiiyeen inay iskaashi sameeyaan, islamarkaana ay fuliyaan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP).

Kenya, Uganda, Burundi, Ethiopia, iyo Djibouti, ayaa ciidamo ku biiriyay howlgalka Amisom. Dhammaantood way codsadeen in loo beddelo cudud dhinacyo badan leh, inkasta oo ay Soomaaliya hore u diiday.