Xaglotoosiye oo Jawaab ka bixiyay Dhaliilo uga yimi Xisbiyadda Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

Saleebaan Ciise Axmed oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin muwaadiniin xaq u leh in ay Urur Siyaasadeed furtaan,waxaana uu intaasi ku daray in aanay wanaagsanan in hadalo aflagaado ahi ay ka soo yeedhaan Xoghayaha Xisbiga Waddani.

Saleebaan Xaglotoosiye oo ka hadlayay dhaliilaha uga yimid Xisbiga Waddani.Waxa uu yidhi”Ma, wanaagsana in qof masuuli ahi aflagaado hawada u mariyo Urur ama qof waan maqlayay Xoghayaha Xisbiga Waddani oo dhawaan Urur noqon doona sida uu sharcigu dhigayo oo nagu sheegaya Buul hunguri iyo Dawlada u shaqaynayno uma shaqaynayno Xukuumadda,waxa aanu nahay muwaadiniin xaq u leh in ay furtaan urur sidii xaqii Shalay siiyay Cabdiraxmaan Ciro in uu furto Waddani,waan iskaga dul qaadanaynaa Cabdiraxmaan Ciroo markii Ururka furanayay Dawlada ayaa wadata ayaa la lahaa iyo waa Buul hunguri,wax aanu nahay muwaadiniin xaq u leh in ay urur furtaan xaqii shalay Cabdiraxmaan siiyay Shalay in uu furto Waddani kii ayaanu ku furanay ururka,”.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa waxa uu u soo jeediyay Xisbiyadda Mucaaradka in aanay kalsoonida ka lumin.Waxaana uu yidhi”Waxaana aan leeyahay saaxiibaday idikaa muddo soo jiray oo xafiisyadii idiin dhisan yihiin taageerayaal badan ayaad haysataan,anagu waanu cusub nahay waxa aan leeyahay kalsoonidu yaanay idika lumin waalaga yabaa in aad soo noqotaan hadii dadka kalsooni idin siiyaan hadii aanay dadka idin rabina soo noqon maysaan,Xukuumadda mahayso awood ay Ururka Xisbi kaga dhigto shacabka ayaanay gacanta ugu jirtaa markaa shacabka ha imaansadaan”.

Geesta kale, Xaglotoosiye, ayaa waxa uu soo dhaweeyay bayaankii ka soo baxay Wadamada Somaliland ka taageera xaga Dimuqraadiyada.Waxaana uu yidhi”Waxaana aan taageerayaa baaqii ka soo baxay Wadamada daneeya Dimuqraadiyadda Somaliland,oo ahaa in la dardar galiyo hawlaha Dimuqraadiyadda oo hor seedaya in la qabto Doorashooyinka Sannadkan ka dhacaya dalka”.