“Waxa la yaab ah in Madaxda Soomaaliya yidhaahdaan Dabka nala soo gala..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibada 28 guurada ciidamada Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid waliba dhankeeda isku dhisto, madaama oo sida uu sheegay midowgii lagu hungoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ahaan, ay ku faraxsanyihiin in dowlada Soomaaliya dhisanto, oo hurumar-na gaadho.

Waxaanu yidhi.”Dhibaato ayaa inaga gaadhay oo waynu dunay, labadii dowladood mid waliba gaar keeda haysku dhisto oo ha socoto, anagu in ay dhismaan, iyagoo qoladii Talyaanigu haysan jiray ah oo ay horumaraan, kuwii jira ahaada oo soo kora ayaanu leenahay”

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, madaxda Soomaaliya ku eedeeyay in ay doonayaan in ay shacabka Somaliland galiyaan dhibaatada ka socota Soomaaliya.

Waxaanu yidhi.”Taliska halkaa ka taliya wali waxaa ka dhaadhici la, waar 30 sanno ayaynu midaysnayn oo waynu is eednay oo waynu isla dunay, 30 sanno ayaynu kala maqnaynoo waxbadanba yaanaan gaadhine, nabad, horumar iyo dowlad dhis baanu ku jirnaa, idinkana dhibaato ayaa idin haysata, waxa la yaab ah in aad dabka nala soo gala tidhaahdan”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in lagu tixgaliyo doonistooda, waxa uu sheegay in Somaliland aanay cidna dagaal kula jirin, isla markaana aanay jirin sharci ay jabisay oo ay ku dhisan tahay axdi qarameedkii Afrika ee isticmaarku dajiyay.