Imaaraadka oo Aqbalay Raali-gelintii uu siiyay Ra’iisal Wasaare Rooble

Abu Dhabi (Aftahannews)- Dowladda Imaaraatka Carabta, ayaa soo dhoweysay raali-gelinta uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay lacag Imaaraadka Carabta uu lahaa oo ciidamada amniga Soomaaliya ay ku qabteen garoonka Aadan Cadde, bishii April ee 2018.

Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar, ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayay in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa 7-dii Janawry waxa uu dowladda Imaaraatka Carabta ka raali galiyay qabashada lacagtaas, wuxuuna ballan-qaaday in dib loogu celin doono.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraatka Carabta, ayaa qoraal ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM ku sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xidhiidhka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka, ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee walaanimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyada oo siinaysa taageerada lagama maarmaanka ah si loogu guuleysto nabadda, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Rooble oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid Ala Nahyaan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Kulanka Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Sheekh Saayid, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.