Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo loo Gudbiyay Maxkamadda ICC

Muqdisho (Aftahannews)- Xeer ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar, ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ka dacweeyeen maxkamadda dambiyada aduunka ee ICC.

Mukhtaar Nuur oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog, ayaa sheegay in iyagoo koox aqoonyahano ah ay ICC u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Farmaajo, iyagoo cuskanaya gabood fallo waaweyn oo Soomaaliya ka dhacay intii uu xukunka joogay.

Waxaa ka mid ah dembiyada Farmaajo lagu dacweeyey weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur askartiisii lagu dilay iyo kiiska Ikraan Tahliil, sida uu sheegay Xeer ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mukhtaar Nuur.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu hadda isku dayey inuu ka dhuunto sharciga, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu u difaacayo oo kuraasta baarlamaanka uu ugu raadinayo saraakiishii u fulisay amarradii qaldanaa ee dadka Soomaaliya lagu dhibaateeyey intii uu joogay xukunka.

“Mid waa in la ogaado, xasaanad ma shaqeyn doonto, iska dhaaf dembi aad hore u gashaye, adigoo Xildhibaan ah hadii aad dembi yar gasho, halkaas ayaa laguugu katiinadeynaa,” ayuu yidhi Yaryaqaan Mukhtaar.

Waxuu tusaale u soo qaatay nin Xildhibaan ahaa oo hadda ka hor askari dhirbaaxay, kaas oo ku dooday inuu xildhibaan yahay oo xasaanad leeyahay, balse ay boogtii ku katiinadeeyeen, iyadoo sida uu sheegay sharciguna u ogolaanayo.

“Nin la yidhi dastuurka ilaali, umadaan adigaa u sareeya, ee kala dambeynta iyo sharciga ilaali, hadii isagii uu ku dheelo sharciga, dembigiisa wax la xisaabi karo maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xeer ilaaliye ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mukhtaar Nuur Abuukar.