Abiy Ahmed iyo TPLF oo isu soo dhawaaday

Addis Ababa (Aftahannews)- Fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee mudada sanadka ka badan dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, ayaa sheegay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaadhay.

Waraysi uu BBC siiyay hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa.

Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yidhi Gebremichael.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaadho colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.