Madaxweynaha Somaliland oo Salaaddii Jimce Shacabka kula tukaday Masjidka Rusheeye

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  ayaa la tukaday Shacbiga Caasimada Hargeysa qaar ka mid ah kuwaas oo uu kula tukaday Masjidka Rusheeye ee Badhtamaha Caasimadda.

IMG_5577 (2) IMG_5565 IMG_5564

Madaxweynaha oo sidii caadada u ahayd maalmaha farxada Islaamka awgeed shacbiga Somaliland Yar iyo Weynba la qaybsada Farxada Ciidaha ayaa ku soo beegmaysa xili ay bulshada Somaliland u diyaar garoobeen Xuska Sanad guurada 23aad ee Gooni isu taaga Somaliland.

Madaxweynaha oo aanay haba yaraatee la socon ciidamada amaanku ayaa ku baxay kuna soo maray wadooyinka Caasimada laba gaadhi oo keliya.

Mana aha markii ugu raysay ee Madaxweynuhu uu sidan oo kale ula tukada shacbiga isaga oo bilaa ilaalo ah, balse waa mid soo noqnoqonaysa tusaale buuxana u ah Nabadgelyada ay Somaliland ku naaloonayso hormuudkana ay ugu tahay mandaqadan aynu ku nool lahay ee Geeska afrika.

Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland.