Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo ka kooban toddoba xubnood.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/01/2022, waxa uu ku Md Muuse Biixi magacaabista xubnahan u cuskaday Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011, Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022; Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda isla markaana uu ku qancay In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan.

Toddobada xubnood ee madaxweynuhu u magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamed Xasan Cabdi Badde.

Guddigan oo noqonaya guddigii saddexaad ee loo magacaabo guddiga diiwangelinta ee ururrada siyaasadda, ayaa la filayaa inay iska dhex-doortaan maamulka hoggaamin doona hawl-qabadka guddiga.

Saddexda Xisbi Qaran ee xilligan, Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa muddo-xileedkooda oo 10 sanno ahi ku egyahay dhammaadka sannadkan, waxaana la filayaa in diiwaangelinta ururrada siyaasaddu bilaabmay bisha Lixaad ee sannadkan, maadaama oo xeerka Furista ururrada ee Xeer Lr14 dhigayo in diiwaangelinta ururrada siyaasadda la furo lix bilood ka hor wakhtiga uu ku egyahay muddo-xileedka Xisbiyada Qaranka.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.