Somaliland oo Shaacisay inuu Burburay Heshiis Itoobiya Saami lagaga siiyay Dekedda Berbera

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka Maaliyada Somaliland DR. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga %19 uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.

Wasiir Sacad oo caawa marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo Horyaal TV, ayaa sheegay in Somaliland iyo DPworld oo keli ahi, ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya anaay waxba ku lahayn.

“Saamiga shirkada DPworld  Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland %35 ayay leedahay DPworld-na %65,  heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dowladda Itoobiya qayb lagaga siiyay saamiga Dekedda Berbera, isla markaana uu jiray keliya isfaham arrintaa layskula soo qaaday, is fahamkaas oo uu ku dooday inaanu markii danbe aan dhaqangelin.

Wasiir Sacad oo ka hadlayaana wuxuu yidhi; “2017 bishii February, shir lagu galay Abu Dhabi oo qolada Itoobiyaankuna yimaaddeen, ayaa waxaa jiray isfaham ah in %19 la siiyo dowladda Itoobiya. Laakiin, muu dhaqangelin.” 

Burburka ku yimid is fahamkii lagu doonayay in saami dhan %19 faa’iidada Dekedda Berbera lagaga siiyo Itoobiya, ayaa heshiiska ka dhigaya in DPworld ay yeelanayso %65, Somaliland-na yeelanayso %35, sida uu sheegay wasiir Sacad Cali Shire. 

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland shaacisay inuu burburay heshiiska Itoobiya saamiga lagaga siinayey faa’iidada ka soo baxda Dekedda Berbera.