Farxadda Qalbiga! Waxa Qoray Abubakar Mohamed

Ma ogtahay in farxadaaddu ay ka timaaddo qalbigaaga, markasta oo qalbigaagu yahay qalbi nadiif ah, waxaa fududaanaya in farxadda qalbigaaga ku jirta ay ka muuqato wajigaaga. Markasta oo aad dadka cafiso, una dulqaadato dhibaatooyinka aad kala kulmaysid, macnaheedu waa, farxaddaada ayaad muujisay.

Cafiska iyo dulqaadku waxay ka tirtiraan qalbigaaga, muruggada iyo mugdiga, waxaadna helaysaa nafis raaxo ah oo ka imaanaya qalbigaaga. Waxayna kaaga dhigaysaa qofka sokeeya saaxiib, laakiin haddii aad qalbigaaga gelisid dhibaatooyinka dadku kaa sameeyay, waxaa dhacaysa in farxaddaadu ay nusqaanto, murugtuna ay hesho boos ay ka degto qalbigaaga.

Xasuusashada badan ee dhibaatooyinka lagugu sameeyay dib u dhac ayay kugu keeni kartaa.

Cashar ka baro oo dadaal si mustaqbalkaagu u noqdo mid qurxoon. Dabayshu waxay u socotaa horay, adiguna marka aad soconaysid waxaad u socotaa horay, adduunkuna wuxuu u socdaa horay, qofka caqliga lehna wuxuu ka fikiraa waxa soo socda. Sidaas awgeed, dhibaatooyinka lagugu sameeyay haddii aad ka socoto oo aadan u istaagin soo ma ahan waxa qalbigaaga farxad gelinaaya, Rabbigaaguna kugu jeclaanayo?

“Qofkii iska cafiya, oo wanaajiya ajarkiisa Alle ayaa siinaya.” – Surah Ash-Shuraa Ayah 40

Ma Cafin Kari ?

Dhibaatooyinka lagugu sameeyay oo sabab u noqday in aad habeenno badan soo jeeddo, xanuunkeeda adiga keli ah ayaa dareensan. In aad iska cafiso waa arrin aad u dhib badan, laakiin ma ogtahay cafisku in aad adiga wax badan ka faa’iidaysid, inta aan la gaarin qofka ku dhibaateeyay? Tusaale ahaan:

Haddii aad xanaaqdo oo qalbigaaga geliso cuqdad, wajigaagana murugo ka muuqato, ama habeenno badan aad jiifan waydo adiga oo ciil ku hayo, markaas yaa dhib qaba? Ma adiga mise qofka dhib kugu sameeyay? Adiga uun baa wadnahaaga dhibaato u geysanaya ee qofka kale waxba ma aadan u dhibin.

Alle wuxuu leeyahay: “Mana isku eka wanaag iyo xumaan, bixi arrinta fiican markaas waxa soo bixi in midkii col idin dhexyiil uu noqon sokeeye iyo saaxiib”.

Waxa laga yaabaa in dadka qaar saamaxaadda u arkaan jab, aamusnaantana u arkaan jab, laakiin waxaysan ogayn cafintu waa mid ka mid ah tilmaamaha lagu garto dadka leh awood maskaxeed, ogna wax dantooda ah.

Alle wuxuu leeyahay: “Cafiska (dheeraadka ah) qaado, wanaaggana far (sheeg) kana jeedso kuwa jaahiliinta ah”.

WQ Abubakar Mohammed

Qoraaga Buuga: Ku Raaxeyso Noloshaada & Daawada Murugada.