Diyaarado Ciidan Sida oo Dowladda Soomaaliya geysay Baledweyne iyo Cabsida Shacabka

Baledweyne (aftahannews):- Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta Ciidammo geysay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka  Hiiraan, halkaas oo Jabhad Hubaysani shalay gudaha u gashay, waxaana Jabhadda soo dhaweeyey Shacabka badi magaaladaas.

Laba Diyaaradood oo siday Ciidammo ka tirsan Booliska iyo Millateriga iyo kuwa gaarka u tabobbaran ee Harimocad iyo Gorgor, kuwaas oo Ciidankaas ka dejiyey garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyn, waxaana Ciidanka la geeyey oo ay degeen Saldhig Ciidan oo Baledweyne ku yaalla.

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor kasoo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya iney yihiin qeybtii ugu horreysay Ciidammo gaaraya 400 oo Askari oo loo qorsheeyay inay Baledweyne ka howlgalaan.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa keenista Ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee gaadhay magaalada Baledweyne. Haseyeeshee, wararka qaar, ayaa sheegaya in qorshahoodu yahay inay difaacaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo muddo sannad ah loo diiddan yahay inuu tago Baledweyne, balse hadda uu doonayo inuu tago.

Waxay sidoo kale wararku sheegayaan inay Ciidanku ilaalin doonaan ammaanka doorashada Golaha Shacabka. Halka ay warar kale sheegeen in dowladda lafteedu uga dan leedahay in xaaladdu sii cakiranto, si kuraasta doorashadoodu Baledweyne taallo loogu wareejiyo magaalada Jawhar, maaddaama oo dadka Farmaajo wato ee Baledweyne ka sharraxan uu ku jiro Fahad Yaasiin oo laftiisu ka cabsi qaba tegista Baledweyne, sida wararku tibaaxayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Baledweyne iyo Hiiraan oo hore tabasho badan uga qabay dhismaha Maamulka Hirshabeelle, taasina keentay Jabhadda  ka abuurantay gobolka, ayaa immika aad uga cabsi qaba in dagaal Baledweyne  ku dhexmaro Ciidanka dowladdu geysay iyo Jabhadda hore u joogtay magaalada iyo nawaaxigeeda.

Geesta kale, wararka qaar, ayaa sheegaya in Madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hoggaamiyaha
Jabhadda Hiiraan Jenaraal Xuud wadahadaladdoodii ay ku soo dhammaadeen fashil, isla markaana uu fashilku soo dedajiye
y in Ciidammada Haramcad iyo Gorgor loo soo daabulo Baledweyne, si loo wiiqo awoodda Kacdoonka Hiiraan ee lagu diiddan yahay Maamulka Hirshabeelle.