Somaliland: Wefti ka Socda Caalamka oo la Kulmay Golayaasha Baarlamaanka iyo Waxay ka Wadahadleen

Hargeysa (aftahannews):- Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland, ayaa maanta kulan saacado qaatey la yeeshay wafti ka socda Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinacyada Dimuquraaddiyadda, doorashooyinka iyo horumarinta arrimaha Bulshadda.

Xubnaha Waftiga, ayaa ka kala socday Midawga Yurub (EU) , UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany, waxaanay dalka yimaaddeen shalay.

Kulammada dhexmar Waftiga iyo Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, ayaa ugu horreyn kulanka ay la yeesheen Wakiillada, ayey kaga wadahadleen arrimo ay ka mid yahiin doorka Golaha Wakiillada ee ku saabsan dhammaystirka xeerarka muhiimka u ah dimuquraadiyada, doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale,  Kulanka Waftiga iyo Guurtida,  ayey kaga wadahadleen sida Somaliland isu dhex gelisay dimuqraadiyadda,  dhaqanka Qabaliga ah iyo midka Diiniga ahba, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiq

aadir Indha-indho oo Guurtida ka tirsan.

Kulammadaas oo albaabbadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa ka warbixiyey waxa lagaga wadahadlay Xildhibaan Maxamed Koodbuur iyo Xildhibaan Maxamed Xasan oo Wakiillada ka tirsan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Indha-indho oo Guurtida ka tirsan.

Haddaba, Xildhibaannada oo faahfaahinaya waxa laga wadahadlay, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-