Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Weftiga Beesha Caalamku Maxay ka Wadahadleen?

Beesha Caalamka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland 2022
Beesha Caalamka iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland 2022

Hargeysa (aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kula la yeeshay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo Somaliland jooga illaa shalay.

War Qoraal ah oo lagu baahiyey bogga Facebook ee Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa si kooban loogu faahfaahiyey waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.