Midowga Musharraxiinta Soomaaliya oo Markale Digniin u diray Saraakiisha Ciidamada

Muqdisho (Aftahannews)- Midowga Musharraxiinta Soomaaliya oo war qoraal ah soo saaray, ayaa waxaa ay markale digniin adag u direen saraakiisha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta, ayaa uga digay saraakiisha ciidamada ee garabka ka helaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, Midowga, ayaa warka ay soo saareen kaga hadlay go’aankii shalay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay liiska Argagixisada kaga saareen Jabhada ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Midowga Musharaxiinta, ayaa sheegay in go’aankaasi uu markiisii horeba ahaa mid qalad ah, iyaga oo tilmaamay in go’aanka hada ee ONLF lagaga saaray Argagixisnimada uu saxay khaladaad siyaasadeed oo meel ka dhac ku ahaa qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayay sheegeen in ay ku keli noqotay qaadashada go’aankaas gurracan iyo dhiibistii muwaadin Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) ee loogu gacan geliyay Dowladda Ethiopia.

Waxana ay sheegeen in tallaabooyinkaas uu xadgudub ku ahaa xuquuqda muwaadinka, sumcadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Midowga Musharraxiinta, ayaa sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadiisa ku bogaadiyay Go’aanka geesinimada iyo wadaniyadda xanbaarsan ee ay qaateen, iyaga oo sheegay in go’aankaasi uu saxay khaladaadkii dowladdu hore u gashay.