Weerar ka Dhacay Jaamacad ku Taalla Jarmalka

Heidelberg (Aftahannews)- Nin Hubaysan, ayaa Dhowr qof ku dhaawacay hoolka Jaamacadaha ee magaalada Heidelberg ee koonfur-galbeed dalka Jarmalka Isniintii maanta, sida ay booliisku sheegeen.

Askariga dilka geystay, ayaa dhintay, sida ay booliisku sheegeen, balse ma ayna faah faahin sida ay wax u dhaceen. Waxay mar hore dadka ka codsadeen inay ka fogaadaan aagga Neuenheimer Feld ee Heidelberg, halkaasoo jaamacadda magaaladu ku taal.

“Tani waa tan ilaa hadda la og yahay: Dembiilaha keligii ah ayaa dhowr qof ku dhaawacay hool muxaadaro isagoo wata qori dheer. Dambiilihii laftiisu waa dhintay,” ayay booliisku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen Twitter-ka.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee dpa oo soo xiganeysa ilo-wareedyo dhanka Ammaanka oo aan la aqoonsan ayaa sheegtay in Ninka hubeysan uu is-dilay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ninka hubeysan loo maleynayo in uu qudhiisu arday ahaa, waxaana saraakiisha ammaanku ay sheegeen in baadhista hordhaca ah ay muujinayaan in aanu wax siyaasad ah ama diineed ku laheyn falkaasi.