Faysal Cali Waraabe oo Madaxweyne Biixi Uga Digay Arrin uu Qorshaynayo

Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi
Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyo xukuumadiisa.

Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigiisa ee magaaladda Hargeysa, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Biixi inaanu diyaar u ahayn inuu ku qabto doorashada madaxtooyada wakhtigii logu talo-galay.

Waxaanu ku eedeeyay madaxweyne Biixi, inuu doonayo in marka wakhtiga la doortay uu dhamaado inuu doonayo muddo korodhsi, oo uu xisbiyada meesha ka saaro, kadibna uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo.

Eng. Faysal, ayaa madaxweyne Muuse, ugu baaqay in haddii uu diido inuu la tartamo marka wakhtigiisu dhamaado in aanu oggolaan doonin inuu sii fadhiyo kursiga.

Laakiin Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay Guddoomiye Faysal, ayaa iyagu sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhici doonto.

Guddoomiye Faysal, ayaa geesta kale soo dhaweeyey hadalkii ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay inay joojin doonto wadalhadalada Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Soomaaliya ay tahay xaasidka koowaad ee Somaliland kuna dhimanaya xaasidnimadoodda.

Hase yeeshee guddoomiyaha UCID waxa uu xusay in guulaha ka imanaya dibadda in aanay ahayn wax ay xukuumaddu ka shaqaysay, balse ay ka soo shaqeeyeen shacabka reer Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka