Safiir Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ka Degay Muqdisho

Ambassador Larry André
Ambassador Larry André

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dagay Ambassador Larry André oo ah safiirka uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya bishii Abriil sanadkii hore.

Safiirka ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka “si aan u horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah in Soomaaliya noqoto dal amni ah, barwaaqo ah oo dimoqraadi ah.” ayaa la yidhi qoraal lagu shaaciyay twitter-ka safaaradda.

Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Safiirka ayaa wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti tan iyo horraantii sannadkii 2017-kii.

André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo Wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.