Soomaaliya oo Ka laabatay go’aan ay Argagixiso ugu Aqoonsatay ONLF

Muqdisho (aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa Maanta ansixiyay in laga laabto go’aan ay horay u gaartay Xukuumadda sanadkii 2017-kii, kaasoo ahaa in Ururka ONLF Xukuumadda u aqoonsatay Urur argagixiso, kadib dhiibistii Cabdikariin Qalbi dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

Kulanka Maanta ay Golaha Wasiiradda ku ansixiyeen in laga laabto go’aankii argagixisada loogu aqoonaaday ONLF,  inuu diiday Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse, waxaana kulanka sidoo kale looga hadlay xaalada dalka, amniga iyo arrimo kale.

“Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xukuumadda.

Qaraarkaan maanta ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda ayaa waxaa horay u gaartay Xukuumaddii uu hoggaaminaayay Xasan Cali Kheyre oo xiligaas ONLF u aqoonsatay Urur argagixiso.