Somaliland: Bannaanbaxyo lagu Taageerayo Aqoonsi Raadinta oo Ka Dhacay Berbera iyo Hargeysa

Hargeysa/Berbera (aftahannews):- Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,, ayaa Maanta Kumannaan Qof oo Reer Somaliland ahi isugu soo baxeen, kuwaas oo sitay Calanka Somaliland iyo Boodhadh ay ku xardhanaayeen Goon—isu-taaggu waa Muqaddas iyo Sawirrada Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Britain ee 18-kii bishan Xarunta Baarlamaankooda ka jeediyey Dood ay kaga hadleen qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland.

Magaalada Hargeysa oo Dadweynaha isugu soo baxeen Beerta Xorriyadda, waxaa kala qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiin ka so’da Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo UCID, Xildhibaanno, Marwo Edna Aadan, Madax-dhaqameed iyo Maayerka Caasimadda oo degmooyinka uu maamulaa soo abaabuleen bannaanbax, lagu taageerayo qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo Dadweynaha kala hadlay Fagaaraha Beerta Xorriyadda, iyaga oo ka warramay Taariikhda ay Somaliland soo martay iyo higsigeeda ah inay aqoonsi buuxa ka hesho Beesha Caalamka.

Magaalada Berbera ayey sidan oo kale Dadweyne badani isugu soo baxeen, kuwaas oo dareenkooda ay ku taageerayaan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaana Fagaaraha ay Dadku isugu soo baxeen kala hadlay Madaxda Heer gobol iyo Degmo iyo Masuuliyiin kale oo ka so’day Hayada’aha kala duwan ee Dowladda iyo Madax-dhaqameed.

Magaalada Burco oo ah halkii gooni-isu-taagga Somaliland lagaga dhawaaqay 18-kii May 1991-kii iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, ayaa iyagana la filayaa inay maalinta Axadda ah ee Berri iyo maalmaha ku xiga isu soo baxyo lagu taageerayo qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland laga sameeyo.

aftahanmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeeysa/Somaliland.