Maraakiib Dagaal oo Shiinuhu leeyahay oo loo soo diray Xeebaha Soomaaliya

Somalia (aftahannews):-  Dowladda Shiinaha (China), ayaa saddex Markab oo kuwa dagaalka ah u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ka soo  ambabaxay Dekedda Guangdong.

Maraakiibtan dagaal ee Shiinuhu leeyahay, soo gaadhay gacanka Cadmeed si ay uga qeyb-qaataan howlgalada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo Budhcad-badeedda Soomaaliya.

Balse lama oga wakhtiga ay sii joogi doonaan, maaddaama wakhtiga hawlgala ilaalinta Badda Soomaaliya ku eegyahay bisha March 2022-ka.

Markaakiibtan Shiinuhu leeyahay waxaa ku rakiban gantaalaha la hago ee loo yaqaan Hohhot, waxaana la socda daraasiin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo laba helikobter ah.

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay waqtiga yare ee howlgalka la dagalaanka burcad badeedda ka harsan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in din looga fekero.

Bishii December, golaha ammaanka ayaa kordhiyay muddo saddex bilood ah waajibaadka howgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya, inkastoo dowladda Soomaaliya ay rabto in howlgalkaas lasoo afjaro.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa u sheegay golaha ammaanka in Soomaaliya ay ka joogsadeen howlihii burcad badeedda loona baahan yahay in Soomaaliya iyada lagusoo wareejiyo ammaanka Baddeeda.