Dowladda Britain oo War ka Soo Saartay Mawqifkeeda Aqoonsiga Somaliland

London (aftahannews):- Dowladda UK, ayaa war kasoo saartay halka ay ka taagan tahay aqoonsiga Somaliland, xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Victoria Grace Ford, oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xidhiidha darajada Somaliland.

Waxaanay qoraalkeeda ku tidhi; “Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda.”

“Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland.” ayay ku tidhi qoraalkeeda Wasiirku.