Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (aftahannews):- Wararka ka imanaya magaalada Mqdisho, ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Warshadii hore ee nacnaca oo ku taal dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir ee Muqdisho.

Wararka ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in qaraxan uu gaystay qof ismiidaamiye ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nawaaxiga uu qaraxan ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa in hadda ka hor uu ka dhacay weerar ka mid ah kan maanta dhacay.

Ururka Al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Xigasho VOASOMALI.COM.