Madaxweynaha Somaliland oo tagay Ethiopia iyo Ujeeddada Safarkiisa oo laga digay

Hargeysa (aftahannews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, ka dib markii uu Marti-qaad ka helay Ra’iisal-wasaaraha dalkaas Abiye Ahmed, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya gelinkii hore ee Salaasada maanta, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba. Sida lagu sheegay qoraal kooban oo Madaxtooyada Somaliland baahisay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga gaarka ah ee Wadda hadallada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga ujeeddada dhabta ah ee Safarka Madaxweynaha, hase-yeeshee, safiirka Somaliland ee Itoobiya Maxamed Awad, ayaa BBDa u sheegay inay madaxda labada dal ka wadahadli doonaan iskaashiga labada dowladood iyo danohooda iyo xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Waxaanu beeniyey Safiir Cawad warar sheegaya in Raisal-wasaare Abiy iyo qaar ka mmid ah Wakiillada dunida ee Itoobiya ku sugani ay Biixi kala hadli doonaan muranka Siyaasadeed ee Ururrada Siyaasadda iyo doorashada ku saabsan ee Somalilland toddobaadyadii ugu dambeeyey ka taagnaa.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo shalay ka hadlay Hargeysa, ayaa Madaxweyne Biixi uga digay inaanu soo xambaaran wax aanay ka warhayn Xisbiyo ahaan oo aanu Madaxweynuhu kala tashan.