Itoobiya oo soo dhaweysay Wefti Gogol-xaadhka Madaxweyne Biixi u Tegay Addis Ababa

Addis Ababa (aftahannews):- Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa soo dhaweysay Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd oo maanta gaadhay Caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya Redwan Hussein iyo Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaraddaas, ayaa maanta xafiiskooda Addis Ababa ku qaabbilay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd, xubnona ay ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash iyo Dr Edna Aadan Ismaaciil, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda JSL, ahna wakiilka Madaxweynaha JSL.

Kulankan, ayaa lagu lafoguray xoojinta xidhiidhka labada dal iyo soodhaweynta weftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo Salaasada Berri tegaya Addis Ababa, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Ethiopia.