Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay Mawqifkiisa go’aanka Maxkamadda Sare soo saartay

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Kulmiye uu si buuxda u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland, kasoo saartay xeerka furista Ururrrada siyaasadda ee muranka dhaliyay.

Wasiir Maxamed  Kaahin oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay maanta, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen Maxkamadda immikana ay si buuxda u aqbalayaan qaraarka ay soo saartay shalay.

Haddaba, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin shirkiisa Jaraa’id iyo arrimaha uu kaga hadlay ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-