Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo gilgilay magaalada Nairobi ee Kenya

Nairobi(Aftahannews):- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo ka badan 70 qofna waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacday suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan laba qof oo lala xiriirinayo qaraxyadaasi. Qaraxyadan oo dhacay duhuradii ayaa waxa ay ka dheceen suuqa Gikomba oo ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo badeecooyinka celiska ah ee la soo isticmaalay sida dharka.

Sidoo kale suuqani ayaa waaxa uu ku yaala meel aan ka fogeyn xaafadda ay soomaalidu u badantahay ee Eastleigh. Booliska ayaa sheegaya in walxaha loo adeegsaday qaraxayadani ahayeen kuwa macmal ah oo guryaha lagu farsameeyay.

Qaraxyadani waxa ay ugu dambeeyeen qaraxyo xiriir ah oo indhawaalaba dhacayay dalka kenya oo intooda badan lagu eedeeyey, kooxda Islaamiga ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii waddamada mareykanka, UK iyo faransiiska ay muwaadiniintooda ugu digeen qaybo ka mid ah dalka Kenya. Boqolaal qof oo ah dalxiisayaal u dhashay dalka Britain ayaa laga daadgureeyay magaalo xeebeedka Mombassa, xilli ay jirtay cabsi laga qabo weeraro halkaasi ka dhaca.

Shirkadaha dalxiiska Britain ayaa hakiyay dhowr duulimaad oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Mombasa, oo ah magaala madaxda labaad ee dalkaasi Kenya. Xarunta hawlgalada musiibooyinka qaran ee Kenya ayaa sheegtay in qaraxa koobaad uu ka dhex dhacay gaari bas ah, halka qaraxa kale uu ka dhacay gudaha suuqa Gikomba.

Mas’uuliyiinta cusbitaalka Kenyatta ayaa sheegay in 70 qof oo dhaawacyo kala geddisan qaba ay soo gaareen cusbitalka. Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaallanta ayaa marar badan Kenya ugu hanjabay inay jab badi doonaan, maaddaama oo ay ka mid tahay dalalka Ciidammada dagaalka adag la galay Al-Shabaab ka ka joogaan Soomaaliya, iyagoo horena u sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.