Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay qaraarka ay Maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay khilaafkii xeerka furista Ururrrada siyaasadda Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo aad uga soo horjeeday xeer Lr 14/21 oo ahaa qaybta wax ka beddelka iyo kaabista ay ku sameeyeen golihii Wakiillada ee hore, ayaa soo dhaweeyay in Maxkamaddu ay laasho 14/21, isla markaana dhaqangeliso xeer 14/11 oo doorashadii Ururrada Siyaasadda lagu galay 2012kii.

“Waxaanu u aragnaa go’aanka Maxkamaddu gaadhay in ay guul u tahay Qaranka Somaliland, mar hadday laashay oo ay waxba kama jiraan ka dhigtay, xeerkii la mulmulaaqay ee khatarta ku ahaa Somaliland, oo ay ku soo noqotay kii ahaa 2011, kaas oo si qayaxan xuquuqda Axsaabta u siinaya,  layskuna raacsanaa oo marna la isticmaalay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sheegay in xisbi ahaan ay u diyaar garoobayaan, doorashadii madaxtooyada Somaliland, waxaanu yidhi; “Marka waa guul insha allah, doorashadii madaxtooyada ayaanu u diyaar garoobayna, doorashada kalena madaxwaynaha soobaxa ayay u taalaa.”

Maxkamadda dastuuriga ah,  ayaa laashay Xeerka furista Ururrada siyaasadda qaybta wax ka bedelka ay ku sameeyeen golihii Wakiillada ee hore ee xeer Lr 14/21, oo ahaa xeerka muranka siyaasiga ah abuuray, waxaanay Maxkamaddu dhaqangelisay xeer Lr 14/11 oo hore laysugu waafaqsanaa.

Go’aanka Maxkamadda, ayaa u muuqda mid ka farxiyay dhamaan qaybihii xeerka ku muransanaa ee mucaaradka iyo muxaafadka. Inkasta oo laga shaki qabo inuu sii taagnaado ama soo cusboonaado muranka siyaasiga ah ee kala horreysiinta doorashada madaxtooyada iyo midda Ururrada Siyaasadda Somaliland ee la furayo.