Baarlamaanka Dowladda UK oo ka doodaya Aqoonsiga Somaliland

London (aftahannews):- Baarlamaanka Dowlada Britain, ayaa maalinta berri ee 18 bishan Janaayo u balansan dood lagu niqaashi doono “aqoonsiga Somaliland”, oo uu baarlamaanka usoo gudbiyey xildhibaan  Gavin Williamson.

Baarlamaanka Ingiriiska oo marar hore wax kasoo hadal qaaday qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa mar kale berri toole wax iska waydiin doona arrintan.

Dhinaca kale Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa bogaadisay soojeedinta xildhibaan Williamson, qoraal lagu qoray boga Twitterka ee wasaarada, iyadoo sidookale baaq u dirtay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan carriga Ingiriiska.“Xukuumada Somaliland way ka war qabtaa dooda uu baarlamaanka UK ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland 18 Janaayo, waxaanu ku boorinaynaa dadka reer Somaliland ee UK jooga in ay la xidhiidhan xildhibaannadooda, waanu u mahadcelinaynaa xogeeyihii hore ee difaaca Ingiriiska Gavin Williamson” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhaq dhaqaaqa doodaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ayaa marar kala duwan kusoo noqnoqday baarlamaanka UK, isla markaana dowladaha hoose ee magaalooyinka Sheffield, Cardiff iyo Birmingham ayaa horay u aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland.