Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo Qarax lagu Dhaawacay

Muqdisho (aftahannews):- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow, ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday Gaadhigiisa.

Qof  isku soo xidhay waxyaabaha Qarxa,  ayaa isku qarxiyay Maxamed Ibraahim Macalimow, waxaana qaraxa lagula eegtay isagoo marayay waddada Maka A-lmukarama, ka dib markii qofka is qarxiyey dhinaca qabsaday Gaadhiga Afhayeenka, isla markaana isku qarxiyey, sida ay sheegeen Dad goobta qaraxu ka dhacay joogay xilligaas.

Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in qofka is miidaamiyaha ahaa uu is ku qarxiyey gaadhiga uu watay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow.

Illaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo inta uu le’eg yahay dhaawaca uu qabo Macalimow oo tiro dhowr jeer  ah ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaanu hore uga badbaaday isku dayo dilil oo marar kala duwan la doonayey in lagu khaarajiyo .

Lama sheegin cid kale oo wax ku noqotay qaraxa. Balse masuuliyadda qaraxa waxa sheegatay Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa cambaareeyay weerarka kooxda Al-shabaab sheegatay ee lagu dhaacay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaanu ku tilmaamay fal bahalnimo ah. Waxa uu Raysal-wasaare Rooble Allaah uga beryey Macalimow inuu u booga-dhayo.

Bishii November, ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay naftii halige lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Afrika. Halka uu ku dhaawacmay Agaasimihii Telefishinka Qaranka, Sharmaarke Maxamed Warsame.