Xisbiga Waddani Muxuu Ka yidhi go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland?

Hargeysa(aftahannews):- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Sare ka soo saartay dacwad la xidhiidha dhaqan-galka xeerka furista ururrada siyaasadda oo ay u gudiyeen 47 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay Maxkamadda sare ku bogaadinayaan  go’aanka ay ka soo saartay arjiga codsiga ah ee xildhibaannadu tafsiirka sharci ku dalbadeen.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi, “Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.

Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah.”

Si kasta ahaatee, go’aanka maxkamadda sare ka soo baxay oo salka ku haya tafsiirka sharci ee ay ka dalbadeen dhaqan-galka xeerka furista ururrada siyaasadda, ayaa sifo qaldan loo fahamsiiyey bulshada, iyada oo looga dhigay inay maxkamadda sare go’aaminayso in ururrada la furo iyo in kale waxaana farrimaha bulshada gaadhay ee qaladka lagaga faymay go’aanka laga sugayey maxkamadda ka qayb-qaatay xisbiyada mucaaradka.

Baaqyo ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka iyo taageerayaashooda ayaa maxkamadda sare loogu jeediyey inaanay ku dhex-milmin muranka sharci ee ka taagan xeerka furista ururrada siyaasadda oo murankiisa oo salka ku hayo dhaqan-galkiisa maadaama oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha wakiillada kagana dalbaday in lays waafajiyo furista ururrada iyo doorashooyinka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada oo dhammaantood ku muddaysan sannadkan 2022-ka.