Waa Kuma Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka Soomaaliya loo doortay?

Muqdisho (aftahannews):- Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal,  ayaa Sabtidii maanta doortay Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dadban ee FEIT, ka dib doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kuwada tartamay doorashada xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Muuse Geele Yuusuf iyo Cabdiaxiin Cabdicasiis Aadan, waxaana tartankii dhexmaay labadaan Musharax kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf oo helay codad gaaraya 14 cod, halka Musharax Cabdiraxiin Cabdicasiis uu isna hlay 11 cod waxaana sidaas guddoomiyaha cusub ee guddiga ku noqday Muuse Geelle Yuusuf.

Si kastaba ha ahaate labada Musharax ee maanta ku wada tarmay doorashada guddoonka doorashooyinka heer Fedaraal ayaa waxaa u kala ololeynayay Madaxtooyada iyo Xafiiska Raysal wasaaraha waxaana ugu dambeyn guuleystay Musharaxii looga ololeynaayay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee maanta la dootay ayaa horay mar usoo noqday guddoomiyahii kumeel gaarka ee guddiga doorashada, waxaana doorashadaan ay imaaneysa xili guddoomiyahii hore ee guddiga Maxamed Xasan Cirro xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha kale ee guddiga oo ku eedeeyay inuu ku dhex milmay arrinaha siyaaaadda.