“Xaaladda Dalka Qiimeeya oo Dadka Abaaruhu ku dhufteen ka daaya Buuqa…” Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali


Burco (Aftahannews)- Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa deegaanka Sibidhlay oo ka tirsan degmada Dhoqoshay ee Gobolka Togdheer ka dhagax-dhigay Saldhig Boolis oo la sheegay inay baahi weyn u qabeen bulshada halkaas deggen oo taariikh ku leh dhismaha Qaranimada ee Somaliland.

Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa muhiimadda uu Saldhiggu u leeyahay shacabka deegaanka oo uu ka hadlay kaddib, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka ee xilligan ee dhinacyada siyaasadda iyo Abaarta ka jirta gobollada Dalka oo uu xusay in lagaga bixi karo in loo midoobo shacab iyo dowladba.

Siyaasi Cabdiraxmaan waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inay danahooda gaarka ah ka horseysiiyaan danta Shacabka maadaama dalku xilligan ku jiro xaalad abaareed oo baahsan.