Wasiir Xilka ka qaaday Masuul uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):-Wasiir Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa xilka ka qaaday Masuul uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabay muddo laba sano ka hor ahayd, iyadoo aanu Madaxweynuhu sheegin goorta uu awooddaa ku wareejiyey Wasiirka Xukuumaddiisa ka tirsan.

madaxweyne siilaanyo

Maareeyihii hore ee Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil, ayaa xilkaas laga qaaday, isla markaana waxa booskaas loo magacaabay Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo ayaa intii Xukuumaddiisu jirtay magacaabay laba Maareeye oo iska beddelay Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera, kuwaasoo uu u dambeeyey Maareeyaha caawa xilka laga qaaday. Hase-yeeshee, taasi way is-beddeshay oo waxa caawa Digreeto heer Wasiir xilka kaga qaaday Maareeyahaa Madaxweynuhu magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo Masuulka cusubna magacaabay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa digreeto Wasiir oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xilka ka qaaday Maareeyihii hore ee Keydka Shidaalka Berbera, isla markaana uu magacaabay Maareeyaha cusub Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee gobolka Saaxil.

Digreetada Wasiir Maxamed Cabdillaahi soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa ay u qornayd sidan:- “Aniga oo kaaga mahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta 00 ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkiii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.

Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.” Sidaa ayuu ku yidhi Digreetada kooban ee uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Lama oga xilliga uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Wasiirkiisa Ganacsiga ku wareejiyey awoodda uu xilka kaga qaaday Maareeyihii uu Madaxweyne ahaan u magacaabay Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera iyo goorta Wasaaradda Ganacsiga la hoos-geeyey Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka toona.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.