Somaliland iyo Norway oo ka Wada-hadlay Iskaashi Cusub oo dhexmara

Oslo (aftahannews):- Wakiilka Somaliland ee Dalalka Norway iyo Denmark Amb. Mohamed Mohamoud Adan (Liilan), ayaa Xafiiskiisa Magaalada Oslo kula kulmay Haakon Svane oo ka tirsan wasaarada Arrimaha dibedda ee Norway ( Minister-Councellor )

Kulankan oo muhiim u ahaa danaha Somaliland, ayaa Safiirka Somaliland ee Norway iyo Denmark wuxuu Haakon Svane uga warramay horumarka Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo inay tahay Jamhuuriyad ku taalla Geeska Afrika oo nabadgalyo ku naaloonaysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Norway iyo Denmark Amb. Liilan oo soo gaadhay Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha labada dhinac ka wada-hadleen “Labada masuul waxay ka wadahadleen dhinacyo badan oo dan u ah labada dal ee Somaliland iyo Norway. oo ay ku jiraan maalgashi iyo caawinaad dheeraad ah.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka, kaasi oo intaa ku daray “Somaliland waa dalka keliya ee dimuqraadi ah, nabad ah ku yaalla Mandaqaddan Geeska Afrika ee dhibaatadu ka jirto.”

War-saxaafadeedka lagu faahfaahiyey kulanka Safiirka Somaliland iyo la-taliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda ee Norway, ayaa waxa kale oo lagu sheegay “Maalinba maalinta ka danbaysa waxay dunidu ku baraarugaysaa waxa ay dadka reer Somaliland ku guulaysteen oo ah Nabad iyo Xasilooni, taasi oo waddamo badani ku guul-darraysteen” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkaasi, kaasi oo sidoo kale lagu sheegay in lagaga wada-hadlay iskaashiga dhex mara Somaliland iyo Norway iyo Norway ay Somaliland ka taageerto doorashooyinka soo socda “Waxa laga wada-hadlay Iskaashi mustaqbalka dhow ah oo ay ku jiraan Doorashooyinka soo socda ee Somaliland ee sannadkan 2022”

War-saxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay inay isbeddeshay siyaasaddii Somaliland ku waajahnayd ee dalal badan oo Norway ka mid tahay, sidaasi darteedna Somaliland si fiican u garanayso waxay arrintaasi mustaqbalka dhaw ka tari doonto dedaalladeeda ictiraaf-raadinta, kana faa’idaysanayso, si ay xidhiidh wada-shaqayneed ula yeelato Dunida inteeda kale.