Gabadh 11 Jir ah oo Danjire loo Magacaabay!

Qubanaha Aftahannews.com – Sharon Ringo waa Gabadh 11 jir ah, balse dowladda Tanzania ayaa u magacowday in ay noqoto danjiraha dalkaasi ee arrimaha dalxiiska ee dalkaas.

“Waxaan u maleeynayaa in ay tahay arrin wanaagsan, sababtoo ah ma ahan arrin sahlan in aad danjire noqotid adiga oo carruur ah” ayay tidhi Sharon oo ah qof ixtiraam badan u haysa deegaanka, waxaanay xilli hore biloowday hawlaha la xidhiidha nadaafadda iyo daryeelka deegaanka.

Sharon ayaa ahayd ardayga ugu fiican iskuulkeeda oo ku yaala magaalada Daara Salaam, iyada oo sidoo kale hormuudka ardayda ka mid ahayd.

Sharon oo fahamsan halista isbadelka cimilada ku leedahay dalxiiska ayaa beertay wax ka badan 200 geed guud ahaan Tanzania iyo jasiiradda Zanzibar.

Waxa ay khudbado ka jeedisaa shirarka, iyada oo aad u dhiirogalisa dalxiiska Tanzania iyo kan Bariga Afrika.

Riyadeeda iyo rejadeedu waa in Bariga Afrika noqoto meesha ugu weyn ee loosoo dalxiis tago adduunka, iyada oo sidoo kale la beerayo dhir badan.

Hadda waalidkeed ayay la nooshahay, waxayna degenyihiin magaalada Daarasalaam, waxay ku fiicantahay dhanka dabaasha iyo heesaha.

Sharon waxa ay sheegtay si ay kaalinteeda shaqo uga soo baxdo, in ay akhrisay buugaag badan oo la xiriira dalxiiska, iyada oo sidoo kale safaro ku kala bixisay qeybo badan oo Tanzania ka mid ah. Waxan oo dhan waxa ay u samaysay si ay faham uga hesho shaqadeeda cusub.

Sharon ayaa ahayd ardayga ugu fiican iskuulkeeda oo ku yaala magaalada Daara Salaam, iyada oo sidoo kale hormuudka ardayda ka mid ahayd.

Sharon oo fahamsan halista isbadelka cimilada ku leedahay dalxiiska ayaa beertay wax ka badan 200 geed guud ahaan Tanzania iyo jasiiradda Zanzibar.

Waxa ay khudbado ka jeedisaa shirarka, iyada oo aad u dhiirogalisa dalxiiska Tanzania iyo kan Bariga Afrika.

Riyadeeda iyo rejadeedu waa in Bariga Afrika noqoto meesha ugu weyn ee loosoo dalxiis tago adduunka, iyada oo sidoo kale la beerayo dhir badan.

Hadda waalidkeed ayay la nooshahay, waxayna degenyihiin magaalada Daarasalaam, waxay ku fiicantahay dhanka dabaasha iyo heesaha.

Xigasho BBCSomali.com