Madaxweynaha Somaliland oo Markii Koowaad u Safraya Maraykanka intuu Xilka hayey

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay intii uu Madaxweynaha ahaa la filayaa inuu Safar ugu baxo Dalka Maraykanka bisha  March ee sannadkan 2022-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland  Dr. Ciise Kayd oo maanta safarrado uu kaga soo noqday Maraykanka iyo Dalal Yurub ah xog-warran ka siiyey Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in la qaban qaabiyay safar uu Madaxweynaha Somaliland ku tagayo dalka Maraykanka, ka dib waftigii ka socday shaqaalaha aqalka Koongaraska Maraykanka ee Somaliland soo booqday bishii hore.

“Safarkaygii dabadii waa kuwii yimid dalka waftigii Maraykanka ahaa, kuwiina waxay keeneen in aniga iyo madaxweynuhu cisha dhaw aanu kulan la yeelan doono Heritage Foundation, taasina ay sii xaadhi doonto safar loo qaban qaabiyay in madaxweynuhu uu ku tago waddanka Maraykanka March.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Ciise Kayd.

Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, ayaa tan iyo dabayaaqada sannadkii tegay ee 2021 u muuqda mid sii xoogaysanaya, waxaana jira Xildhibaanno a tirsan Koongaraska Maraykanka, oo dabada ka riixaya in Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh ammaan oo ka madax banaan dowladda Soomaaliya.

Waxa jira qaybo kamid ah Warbaahinta caalamka iyo dibulumaasiyiin bilihii u danbeeyay qorayay in  xidhiidhka Somaliland uu  Maraykanka ka caawin karo in uu is hortaago is ballaadhinta dowlada China ee Afrika.

Warkan, ayaa ku soo beegmaya,  iyadoo Qorayaal iyo Diblamaasiyiin u dhashay dalka Maraykanka, ay dowladdooda ugu baaqayaan inay aqoonsato Somaliland oo ay tilmaameen inay muhiimad weyn u yeelan doonto Maraykanka,  iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu dhawaan saxeexay Xeer Miisaaniyad  Somaliland kharash loogu talagalay ku jiro.