Madaxweynaha Maraykanka oo Markii u Horreysay Xil u Magacaabay Wiil Soomaali ah

Washington (aftahannews):- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa markii ugu horraysay Wiil Soomaali ah u magacaabay xil sare, kaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool Maraykanka.

Xamse Warfaa oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota, ayaa Madaxwaynaha dalka Maraykanka Mr Joe Biden wuxuu u magacaabay La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Xamse Warfaa ayaa noqonaya masuulkii ugu darajada sareeyay ee Soomaali ee xil caynkaan ah looga magacaabo madaxtooyada Maraykanka, waxayna magacaabidiisa qayb ka tahay ballan-qaadyadii lagaga hadlay shir-madaxeedka horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka adduunka oo dhan oo bishii hore ka dhacay dalka Maraykanka.

Xamse ayaa door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dimuqraadiyadda adduunka iyo arrimaha qaabilaadda qaxootiga Maraykanka. War-saxaafadeed uu soo saaray, ayuu uga mahad-naqay Madaxweyne Joe Biden magacaabistiisa.

Masuulkaan ayaa waxa uu ku biirayaa Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga, iyo Socdaalka, oo ah xafiis Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan ilaalinta dadka barakacay. Xafiiskan ayaa sidoo kale kula taliya madaxweynaha go’aaminta tirada qaxootiga uu Maraykanku aqbali doono sanad gudihiis.

Xamse waxa uu markii ugu horaysay isagoo qaxooti Soomaali ah tagay dalka Maraykanka sannadkii 1994-kii, isaga oo dhalinyaro ah, waxa uu bartay cilmiga siyaasadda iyo maamulka ururrada, waxaana uu ka dhistay xirfado ganacsi iyo mid gaar loo leeyahay