Dibloomaasiyiin Maraykanka ugu Baaqay inuu Somaliland Dhaqso u Aqoonsado

Washington (aftahannews):- Diblomaasiyiin hore u soo maray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaara ahaan Waaxda qaabilsan Arrimaha Africa, ayaa ka qoomameeyey fursado dibloomasiyeed oo ku seegay tixgelin la’aanta qadiyadda madax-bannaanida Somaliland oo ay xuseen inaanay xoogga saarin muddadii ay xilalka hayeen isla markaana ay ahmiyadda siin jireen dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Warbaahinta Somaliland Post, oo aannu soo xigannay, ayaa warbixin ka diyaarisay hadallada ay sheegeen Saddex ka mid ah dibloomasiyiin hore u soo qabtay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Afrika, kuwaas oo xilligan garowshiinyo ka bixiyey qaladaad ku jiray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee ku wejahan Somaliland xilligaas oo ay sheegeen inay wax badan ka beddeli karayeen maadaama oo ay Qaranka Maraykanka u qaabilsanaayeen jaan-goynta xidhiidhada siyaasadeed ee dowladaha Afrika.

Dibloomaasiyiintan oo dooddoodu ka shidaal-qaadanayso hab-dhaqanka siyaasadda Maraykanka ee Somaliland xilligii ay xilalka hayeen, ayaa magacyadoodu kala yihiin Jendayi Frazer, Tibor Nagy iyo Herman Cohen oo dhammaantood xilliyo kala duwan hayay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika.

Dr Jendayi Frazer ayaa muddo Shanno ah oo ku beegan intii u dhaxaysay 2005-tii ilaa 2009-kii haysay Xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, waxaanay labada masuul ee kale kaga duwan tahay inay noqotay masuulkii u sarreeyey dowladda Maraykanka ee 30-kii sanno ee u dambeeyey socdaal ku yimaadda Somaliland, Iyadoo sannadkii 2008-dii socdaal ku timi magaalada Hargeysa xilligii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Haseyeeshee, Jendayi Frazer, waxa ay sheegtay inay ka qoomamaynayso sida ay ugu fashilantay inay dowladdeeda Maraykanka ku qanciso qaddiyadda Somaliland oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah il-duufka siyaasadeed ee soo maray wakhtigii ay xilka haysay.

Dr Frazer oo ka mid ah khubarada Maraykanka ee wax looga weydiiyo Arrimaha Ammaanka Maraykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa arrintan kaga jawaabtay su’aal laga weydiiyey in dowladda Maraykanku aqoonsan doonto Somaliland haddii maamulka Joe Biden ku guul-darraysato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya.

“Waan ka xumahay inaanan Dabada ka riixin aqoonsiga Somaliland, laakiin waa in Maraykanku hadda ku dhaqaaqo tallaabadaas,” sidaas ayay tidhi Jendayi Frazer oo ka jawaabaysay su’aal lagu weydiiyey fagaare ay kula hadlaysay Arday wax ka barata Macadka Siyaasadda ee Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka.

Dhankiisa, Danjire Tibor Nagy oo intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2021-kii hayey xilka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, laba xilli oo ka horreeyeyna soo noqday Safiirka Maraykanka u fadhiya dalalka Ethiopia iyo Guinea, ayaa ku baaqay in Shacabka Somaliland laga qaado Afti ay maamulkeeda gacanta ku hayso Qaramada Midoobay si la mid ah madax-bannaanidii go’aamisay Eritrea.

Danjire Tibor Nagy oo arrintan kaga hadlay qoraal uu dhawaan ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, waxaanu yidhi, “Somaliland waxay u qalantaa afti lagu go’aamiyo madax-bannaanideeda oo ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso si la mid ah tii laga qaaday Eritrea 1993-kii.

Haloo oggolaado in dadkeedu go’aansado inay helaan Aqoonsi caalami ah xilligiisii ka soo daahay marka loo eego guusha dowladnimada shaqaynaysa iyo Qaranka ay dhisteen.”

Dibloosiga saddexaad ee ka hadlay qadiyadda Somaliland iyo doorka looga baahan yahay in dowladda Maraykanku ku waajahdo xiligan, ayaa ah Danjire Herman Cohen oo xilka Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika soo qabtay intii u dhaxaysay sannadihii 1989-kii ilaa 1993-kii. Waxa kale oo uu soo noqday Safiirka Maraykanka u fadhigi jiray dalka Gambia 1977-kii ilaa 1980-kii.

Dibloosiga saddexaad ee ka hadlay qadiyadda Somaliland iyo doorka looga baahan yahay in dowladda Maraykanku ku waajahdo xiligan, ayaa ah Danjire Herman Cohen oo xilka Kaaliyaha Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika soo qabtay intii u dhaxaysay sannadihii 1989-kii ilaa 1993-kii. Waxa kale oo uu soo noqday Safiirka Maraykanka u fadhigi jiray dalka Gambia 1977-kii ilaa 1980-kii.

Danjire Herman Cohen ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku faahfaahiyey farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo uu xusay in ahaayeen labada waddan oo xilliyo kala duwan madax-banaanida ka qaatay Talyaaniga iyo Ingiriiska ka hor intii aanay Isku biirin 1960-kii, waxaanu yidhi, “Somaliland iyo Somaliya markii ay madax-bannaanida qaateen, waxay si aan ka fiirsasho lahayn u midoobeen 1960-kii. Balse Somaliland waxay go’aansatay inay dib ula soo noqoto madax-banaanideeda 1991-kii.”

Danjire Cohen waxa kale oo uu yidhi, “Waa laba waddan oo aan lays barbardhigi Karin. Beesha Caalamku maaha inay xaqiiqada iska indho-tirto, waxa ku waajib ah inay garowshiinyo ka bixiso xaqiiqada jirta.”

Doodaha ay soo bandhigeen dibloomasiyiintan, ayaa ku soo beegmaya xilli uu isa soo tarayo xiisaha Dowladda Maraykanka ee ku wejahan Somaliland oo juquraafi ahaan ku taalla bogcad istaraataji ah oo ay ku loolamayaan quwadaha dunida ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Milatariga, iyadoo gobolka Geeska Afrika uu saamayn xooggan ku yeeshay dalweynaha Shiinaha oo loolan adag u dhexeeyo Maraykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka xilligan u qaabilsan Arrimaha Afrika, Jake Sullivan, ayaa loogu baaqay inuu qaato go’aan siyaasadeed oo ku qotoma danaha Maraykanka ee Gobolka Geeska Afrika maadama uu soo kordhiyo saamaynta Shiinuhu ku leeyahay dalalka ku yaalla gobolka.

“Maraykanku xilligan aadbuu u danaynayaa Somaliland, taasna wa keentay Khatarta sii kordhaysa ee ka imanaysa Shiinaha iyo hubanti la’aanta mustaqbalka Djibouti oo Beijing gacanta ku dhigtay.

“Haddii Jake Sullivan uu ku guuldareysto inuu qaato go’aan siyaasadeed oo uu ku qasban yahay, waayo way soo xidhmi kartaa daaqadda fursaddan ka bannaan. Waxa laga yaabaa in Shiinuhu xidhiidh la sameeyo Somaliland oo Maraykanka ka horjoogsado inuu saldhig ka samaysto Berbera. Sidoo kale waxa laga yaabaa inay waddamo kale sidaas sameeyaan. Sullivan waa inuu isugu yeedhaa guddi wax-ku-ool ah oo arrintan ka fadhiisata. Dhaxalka Madaxweyne Joe Biden ee Afrika waxay kuxidhantahay natiijada ka soo baxda,” sidaa waxa yidhi Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan Macadka American Enterprise Institute oo lagu falan-qeeyo siyaasadda arrimaha Dibadda Maraykanka ee ku wejahan dunida, waxaanu si gaar ah ugu takhasusay siyaasadaha dhaqan-dhaqaale ee dalalka Iran, Turkey iyo guud ahaan waddamada Bariga Dhexe.

Xigasho Somalilandpost.net