Daaha Gaas: Sababma ayuu u Noqday Abwaankayga 2020-2021? Q/2aad – Qalinka Siciid M. Gahayr

Daaha Gaas: Sababma ayuu u Noqday Abwaankayga 2020-2021? + Heesaha Hadal-hayn iyo Cidla’ keli ha sacab tuman.
Qormada 2aad.

Waxa aad mooddaa in ay bateen heesaha jacaylka ahi marka loo eego kuwa xambaarsan aragtida togan, horumarka iyo abbaaraha (mawduucyada) kale; sidaas awgeed ayaan uga helaa kuwa laga dheefayo maangodolka. Heesaha uu Abwaan Daaha Gaas soo saaray ee carriga Soomaalda ku faafay waxa ka mid ah laba heesood oo aan qaadan doono.

Ta kowaad waxa la yidhaahdaa Hadalhayntu waa sharaf, waxa codkiisa ku qaada Amiin Yare. Waa hees warcelin u ah waxa laga sheego qof magac leh. Kuwo badan oo aan aqoon u lahayn ayaa ku soo hadal qaada wax ay hawada ka maqleen. “Sidaasuu yidhi, waa qabyaali, halkaasuu iibiyay, waxaasuu xaday” ayay dhahaan. Wax ay caddayn karannaa ma jirto. Waxa ay faraysaa in la wanaajiyo qofka ku xumeeya in la noqdo qof han iyo himilo leh. Waan ku ceshadaa maqalkeeda, kamana wahsado dhegeysigeeda.

Waxa uu yidhi
“Mar haddaad addduunyada
Hesho derejadeed magac
Ogow halista cadawgiyo
Hantaaqada dadkuna badan
Hadal hayntu waa sharaf
Markaad tahay qof horumaray

Hanyaraantu guushiyo
Waw halis naftaadee
Magac baa hanti u badan
Hage noqo markuu tago
La yidhaahdo hebelkii
Halhays reebo iyo dhaxal

Halna weli ma joogtide
Ogow hanashadaadiyo
Higsigaagu waa weli
Hillaac meel ka bilig yidhi
Ha ku guurin sahan li’i
Gacan-haadis been iyo
Hadimada dadkaa badan
Hubsiimada ka dhigo sahay

Allahayow nin hoobaan
Malab siiya kii hoday
Adaw hiisha geesiga
Gobta dhaba hareer gala”

Heesta Cidla’ keli ha sacab tuman ee uu qaado Cabdicasiis Iskalaaji; waxa ay inooga digaysaa in qofku isa sito oo keligii isla cararo. Haddii aan lagu sheelin waa laga fiican yahay inaad is-sheegidda ku horrayso. Inaan halbeegga qiimaynta aadumuhu noqonnin adduunyo oo ka cuudka leh ka cisayn, ka caydha ahna laga cararin ayay innagu hagaysaa. Waxa ay innagu guubaabinaysaa in si sharaf leh lagu raadiyo shaqada iyo hantida labadaba. Ugu dambaynna in loo dheganuglaado cidda wax jecel ayay innagu sagootiyasaa.

“Cayn kastood aqoon iyo
Cilmi badan u leedahay
Immisaa culuumtiyo
Casharrada badh kuu hadhay
Cid kaleeto kaa jira

Camalkaad samaysiyo
Caqligaaga ha u bogin
Caku illaa laguu qiro
Ha is cajabin adoo qudhi

Cid kaluu ku wacanyee
Inay calan ku saartee
Haysla cararin adiguyo
Cidla keli ha sacab tuman

Qofna cawllanaantiyo
Wakhtaa ciilay ha u nicin
Midna cuud u haystiyo
Ha u cisayn hantiyo jeeb

Calafkaaga qoran iyo
Wixii Caadil kuu qoray
Cisho seegi mayside
Si xun ceeshka ha u deyin

Magacaagu ceeb iyo
Yuu ku noqon xumaan caan
Weligaa ha caasiyin
Calmashada dareenkiyo
Cabashada qof kuu nugul
Caashaqa tixgeliyoo
Nasbina dhiilka ha u culan”

Qormada saddexaad waxa aan ku soo qaadan doonaa kuwa daljirka iyo siyaasadda ah insha Allaah.